11.3 C
London
Thursday, October 23, 2025

Qaban qaabadii ugu dambeeysay ee soo dhaweynta Raysal Wasaare Xamse oo ka socota Laascaanood

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, April 12, 2025 (HOL) – Waxaa Saakay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool si weyn looga dareemaya u diyaar garowgii ugu dambeey ee la xariira soo dhaweyn balaaran oo maanta halkaasi loogu sameynayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Laascaanood saacadaha soo socda ee maanta, waxaana halkaasi ku sugan labadii maalin ee lasoo dhaafay wafdi ka tirsan hay’adda kala duwan dowladda Fedaraalka oo horudhac u ahaa safarka Raysal wasaaraha ku tagayo Laascaanood.

Amniga guud ee deegaanada maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, gaar ahaana magaalada xarunta u ah ee Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkaya ciidamo aad u farabadan.

Wadooyinka waa weyn iyo fagaareyaasha magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale lagu xardhay sawirka Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo calanka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in socdaalka Xamse ee Laascaanood ay si weyn uga soo horjeedaan Somaliland.

Booqashada la filayo inuu maanta ku tago magaalada Laascaanood Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo uu Raysal wasaare Soomaaliyeed ku tago magaaladaas mudo ka badan 50 sano.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).