Xildhibaan Saadaq Mukhtaar oo kamid ah mudanayasha Baarlamaanka HirShabeele ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in Al shabaab ay ka dambeeysay miinada dadkaasi la kacday ee waxyeelada daran kasoo gaartay.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in dhaawacyadu tobaneeyo ka badan yihiin dhimashaduna ay mareyso ilaa 5 Qof, waxa uu cadeeyay in dhaawacyo fudud ay jiraan oo afar qof soo gaaray.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Saadaq in dhaawacyada ay diyaarad soo saari doonaan si Magaalada Muqdisho dhaawacyadoodi loogu dabiibo.
Qaraxaan miinada ayaa dhacay xilligii barqada ee 11ka sida uu Xildhibaanka cadeeyay waxana uu sheegay inay hadda ku mashquulsan yihiin inay aasaan meydadka.
Degaanka Ceel Gub ee maanta Qaraxaasi miino uu ka dhacay maalmo ka hor waxa ay Dowladda ay sheegtay inay kala wareegtay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.