13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Raysal wasaare Xamse oo amar ku siiyay Hay’adaha dowladda in bixinta adeegyada lagu xiro kaarka Aqoonsiga

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, April 7, 2025 (HOL) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlaayay dhaqan gelinta adeegsiga aqoonsiga Qaranka, isku xirka aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa amray hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada muhiimka ah iney muwaadiniinta Soomaaliyeed ku xiraan aqoonsiga qaranka, isagoona xusay in talaabadaasi ay meesha ka saarayso in ka badan 34 sano oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.

“In muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu xiro adeegsiga aqoonsiga qaranka waana arrin wax weyn ka tari doonta amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaaraha in la sameeyey dhamaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, islamarkaana xukuumaddiisa ay balan qaadayso in dadweynaha la diiwaan geliyo oo aqoonsi la siinaayo.

“Adeegsiga aqoonsiga Qaranka Waa fursad horumarineed oo saldhig u ah dhamaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaale horumarineed oo gobolka iyo caalamkaba looga daydo” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse.

Ugu dambeyntii hay’adda diiwaan gelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha (NIRA) ayaa mudooyinkii dambe waday bixinta kaarka aqoonsiga qaranka, kaasoo muhiim u ah sugnaanta qof ahaaneed iyo xaqiijinta amniga, iyadoo qaar ka mid ah gobolada dalka ka hirgalisay xarumo loogu adeegayo dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).