15.3 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga oo sheegay inuu jiro isku milan Ciidanka Qaranka iyo Al-shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, April 6, 2025 (HOL) – Taliyihii hore ee CXD Gen Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay inuu jiro isku milan Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Al-shabaab ama kuwa u adeegaya Kooxdaasi, waxaana uu wax laga xummaado ku tilmaamay in la dayacay ammaanka Taliyihii 14ka October ee Shabeellaha Hoose lagu dilay.

Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday in xilli adag lagu jiro oo aan kala soocneeyn cadowgii iyo ciidankii taa oo keentay in cadowga uu waji waliba ay ugu soo dhuumalaystaan gudaha ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxa uu xusay inay ka war sugayaan baaritaanka socda.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa carabka ku dhuftay in sarkaalka lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose uu ahaa mid si weyn ugu kalsoon ciidankiisa, waxaana inay fududaato dilkiisa keenay in askartii uu watay ee uu ku kalsoonaa uu dhinac u saaray si uu ula hadlo askar wax tabanaysay.

Waxa uu sheegay in illaa haddana aanan la garan karin hadii askariga dilka geeystay uu ciidanka kamid ahaa ama uu ahaa cadow kusoo dhuumalaystay ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Taliyihii hore ee CXD General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa ku sifeeyay Taliyihii Ciidanka 14ka October Nuur Gaabow uu ahaa nin geesi ah, guutadii uu hogaaminayay ay ahaayeen kuwa illaalada xoogan ka haayay ammaanka guud ee Shabeellaha Hoose iyo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).