
NISA ayaa sheegtay in ilaa lix howlgal oo ay ka fulisay labada gobol ee Shabeellooyinka iney ku dishay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiro Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.
Howlgaladan ayaa sidoo kale NISA sheegtay iney ahayeen kuwa isugu jiray dagaalo toos ah duqeymo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab.
Lixdaan howlgal ee NISA fulisay ayaa si xiriir ah u dhacay lixdii maalmood ee u dambeysay marka la reebo sadaxdii bishaan, waxaana howlgaladu ay ahayeen kuwa soo socday 29-kii bishii dhamaatay ee Marso ilaa maanta oo ay taariiqdu tahay 5-bisha April.
Labadii todobaad ee ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada difaaca deegaanka ayaa si weyn u laba jibaartay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA oo dhameystiran:-
