War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo horjooge sare.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya lagu shaacin magaca horjoogaha kooxda Al-shabaab looga dilay deegaanka Nuur gadow iyo waxa uu u qaabilsanaa Al-shabaab.
“Taliskii khawaarijta ay ku lahayeen Degaanka Nuur gadow Geesiyaasha Difaaca ayaa Howlgalka ku dilay in ka badan 20 Maleyshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan khawaarijta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.
Howlgalkaan ciidanka difaaca ay ka fuliyeen deegaanka Nuur gadow ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ay ka socdeen dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.