12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Dowladda Soomaaliya oo eriday Qunsulkii Safaaradda Sweden ahna Madaxa Horumarinta iyo iskaashiga ee Sweden

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, April 4, 2025 (HOL) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aansatay inay dalka ka baxdo Anna Saleem Högberg, oo ahayd Qunsulka iyo madaxa arrimaha gargaarka ee dowladda Sweden, sida aan ka soo xigannay wargeyska Global Bar Magazine.

Dowladda Soomaaliya in kastoo si rasmi ah aysan arintaan uga hadal haddana ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Sababta ceeyrinteedi lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac.

Wargeyska waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya inay go’aankan ka dhanka ah haweeneydan gaartay bishii la soo dhaafay ee Maarso, Anna Saleem Hogberg, waxay tan iyo 2022-kii ahayd madaxa arrimaha gargaarka u qaabilsan dowladda Sweden.

Shaqadaan mid lamid ah ayay horey intaysan uga howlgalin Soomaaliya waxa ay kaga shaqeeyn jirtay dalka Suudaan.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex galay Anna Saleem iyo raysal wasaaraha Soomaaliya iyo xafiiskiisa ay sabab u tahay ceyrinteeda.

Warbixintaan Wargeyska ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Högberg lagu eedeeyey “inay sumcad-dil ku samaysay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).