
Xulka Tunisia ee 17 jirada ayaa si weyn uga firfircoonaa Ciyaartooyda 17jirada ee xulka Soomaaliya waxaana ugu dambeyn 90kii daqiiqo ee Ciyaarta loogu talagalay kusoo idlaatay 3-0 ciyaartii furitaanka Group D.
Xulka Tunisia ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 6-aad waxaana u dhaliyay goolkoodi 1aad ciyaaryahan Fadi Tayachi, kadib Anis Saidi ayaa kubad cajiib ah si xirfad leh ugu baasay isla ciyaaryahankii goolka 1aad dhaliyay, waxana uu dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta.
Al-Tayyachi ayaa dhameystiray seddexleydii Tunisia isagoo darbo qurux badan ka dhaliyay daqiiqadii 58aad xulka 17 jira ee Soomaaliya oo guul daro qaraar ku bilowday tartanka Koobkaan.
Tunisia ayaa kaalinta 1-aad ku hogaaminaysa Group-ka D, waxana ay leedahay 3-dhibcood, waxana ay farqiga goolasha kaga horeeyaan Senegal oo ku jirta kaalinta labaad oo 1-0 uga badisay Gambia fiidnimadii Talaadada.
Tunisia waxa ay wareegga labaad la dheeli doontaa Senegal maalinta Jimcaha ee 4-ta April, ka hor inta aan la soo gebagebayn heerka Group-yada oo ay la ciyaari doonaan Gambia wareegga saddexaad ee isniinta April 7.