13.3 C
London
Monday, October 20, 2025

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Rooble iyo Shirdoon oo soo dhoweeyay wada tashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Maarso 31, 2025 (HOL) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha wadatashi ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana uu ku tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday midnimada Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh, Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah” ayuu ku yiri Rooble qoraal uu bartiisi Facebook soo dhigay.

Dhinaca kale dadka soo dhoweeyay gogoshaan nabadeed waxaa kamid ah Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon waxaana uu bogaadiyay tallaabada Madaxweynaha Soomaaliya uu qaaday inuu xaalada dalka kala tashado saamileeyda siyaasadda dalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa kaalinta xilkasnimada ah ee uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo gogol fidiyey la isugu keenayo maamullada dalka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada.” Ayuu ku yiri qoraal uu barta Facebook uu soo dhigay.

Shirdoon waxaa uu shaaca ka qaaday in mudnaan gaar ah la siiyo in gogoshaan la fidiyay ay noqoto mid looga tashanayo dhammaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida la-dagaalanka Al shabaab, siyaasadda loo dhan yahay, tixgelinta Dowlad Goboleedyada ka maqan talada dalka, arrimaha dastuurka iyo hannaanka loo maamulayo doorashooyinka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).