14 C
London
Monday, October 20, 2025

Madaxweyne Xasan Sheikh oo gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka ka aragtida duwan

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, Maarso 30, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka aragtida duwan, isagoo ku booriyay in ay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshbaab iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan nidaamka Federaalka.

“Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa uga mahad celiyay hoggaamiyaasha siyaasadeed garashadooda ku aaddan midnimada dalka. Madaxweynuhu waxa uu xusay in aysan Alshabaab isku haynin afkaar siyaasadeed, balse la isku hayo jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah.

“Waxaan soo dhaweynaynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynuhu.

Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa khudbad uu madaxweynaha Soomaaliya jeediyay oo qeyb ka ahayd hambalyada bilashada bisha Shawaal ee Ciidda. Wuxuuna hadalkiisa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya lagu dhaliilayay guul darrooyinka dagaalka Alshabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).