13.3 C
London
Monday, October 20, 2025

Midowga Afrika oo Soomaaliya ku wareejiyay Gaadiidka Gaashaaman iyo agab kale oo muhiim ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Jimco, Maarso 28, 2025 (HOL) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Midowga Afrika ka guddoontay gadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo agab kale oo ciidan.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Itoobiya ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa gaadiidka iyo agabka kale kaga guddoomay magaalada Douala ee dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo magaca (CLB).

Qalabkaan Soomaaliya la wareegtay ayaa isugu jira gaadiidka gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabadda karin, gaariga ciidanka daabula, gaadiidka xambaara booyadaha shidaalka iyo biyaha, matooro, shixnado dawo ah, kuwaas oo loogu talo galay xoojinta kaabayaasha amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ee qiimaha leh, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, horumarinaysa hey’adaha dowladda, kor-u-qaadaysa dadaalka la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinaysa hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta, adkaysiga iyo horumar muddo dheer jira oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha Dibeda ee dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Gaadiidkaan gaashaaman iyo agabka kale ee muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ku wareejiyay Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf,  safarkiisi ugu horeeyay ku yimid Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).