13 C
London
Monday, October 20, 2025

Todobaad gudihiis labo dhalinyaro ah oo muruqmaal ah oo lagu dilay magaalada Garowe

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, Maarso 26, 2025 (HOL) – Askari ilaalo ka ahaa hotel ku yaalla magaalada Garowe ayaa toogasho ku dilay Mustafe Maxamed Nuur, oo kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata dhaqidda baabuurta ee magaalada Garowe.

Dilka ayaa ka dhashay muran ka dhashay gaari uu Mustafe ku dhaqayay meel u dhow iridda hotelka, Askariga ilaalada ka ahaa hotelka ayaa rasaas ku furay wiilka, taasoo sababtay geeridiisa.

Laamaha amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay askarigii falka geystay, kaddib markii lagusoo wargaliyay falkaan.

Tani waa dilkii labaad oo muddo toddobaad gudihiis magaalada Garowe loogu geysto dhalinyarada muruqmaalka ah. Bishan Maarso 23-keedii ayaa Cabdimaalik Xuseen, oo ahaa timo-jare, lagu dilay goobtiisa ganacsi. Qofka dilay, oo isna la sheegay inuu askari ahaa, ayaa marxuumka u dilay muran ka dhashay “timaha ii jar iyo hadda ma jari karo”.

Laamaha amniga ayaan weli gacanta ku dhigin eedeysanaha falkaasi geystay. Labada dhalinyaro ee lagu dilay magaalada Garowe waxay kasoo jeedeen deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo u yimid Puntland si ay uga shaqeystaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).