
Madax ka socotay Hay’addaha Caalamka, Safiirka Soomaaliya ee Nairobi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo ka socday seddex Guddi oo kamid ah Guddiyada Barlamaanka Soomaaliya ayaa goob joog ahaa munaasabadaan oo xooga lagu saaray arrimaha isbadalka cimilada iyo sidii loogu sii diyaar garoobi lahaa abaaraha kusoo wajahan Soomaaliya.
Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, lacagtaan oo horey ay Dowladda u dalbatay si loogu gaaro dadka ugu liita Soomaaliya si looga bixiyo abaarta iyo gaajada lasii saadaalinayo.
Barnaamijkaan ceeymiska oo Soomaaliya muhiim u ah waxa ku jira wadamo badan oo African ah oo ay aduunyadu kaga dalbadeen in lacago magdhow laga siiyo waxyaabaha ay sida gaar ah u sameeyeen isbadalada Cimilada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo sharraxayey saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, ayaa xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.