
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo ku hadlaayay afka xukuumadda ayaa ku sheegay war qoraal uu soo dhigay Boga uu Facebook kuleeyahay isagoo u jawaabaya Xildhibaanadaasi waxaana uu ku tilmaamay inay ku hadlayaan afka Kooxda Al-shabaab.
“Afhayeenada Khawaarijta kuwaba Maalin ayay ku qoranyihiin balse waa isku Ajende, magacooduna waa Af-Khawaarij, kuwa ku qornaa Kaltanka Maanta miyaa yiri aan buuqno si culaysku uga yaraado Khawaarijta duurka ku go’doonsa” ayuu yiri Wasiir Al-cadaala.
Waxaa dhankiisa jawaab culus ka bixiyay Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ahaa xildhibaanadii eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wasiir ku xigeen uu Khawaarij ku tilmaamo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku timid jileeca ka jira Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ku hanjabay inay wasiir Al-Cadaala uga yeeri doonaan Golaha shacabka ayna su’aalo weydiin doonaan lagana doonayo inuu keeno cadeeymo sababta uu xildhibaano Qaran uu ugu eedeeyay inay Afka Al-shabaab ku hadlayaan, waxa uu xildhibaanka sheegay in xitaa Al-cadaala uu amray inaan Xildhibaanada Mucaaradka war siin karin Telefishinka Qaranka.