10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Soomaaliya oo markii ugu horreysay bixisay Kaararka Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelya Doonka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Maarso 13, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka ka dib Munaasabad ka dhacday Xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay oo munaasabadda ayaa ka hadlay muhiimada kaararkaan aqoonsiga uu u leeyahay xuquuqda Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka isagoo yiri” Xeerka Qaxootiga iyo Magan-gelyo Doonka wuxuu xaq u siinayaa in ay dalkeenna ku noolaadaan islamarkaana ka shaqaystaan Qaxootiga, iyagoo ilaalinaya xeerarka iyo dhaqanka dalkeenna u dagsan isla-markaana ka shaqaynaya Nabad-galyada iyo ammaaanka.

Munaasabadaan sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Xuseen Cilmi waxaana uu sheegay in tallaaba muhiim ah la qaaday oo qofka shaqsiga waxa uu yahay kaarkaasi lagu cadeenayo.

Guddoomiye Axmed ayaa yiri”Aqoonsigu waa astaanta iyo heybta qofka shaqsi ahaan loogu aqoonsan karo in uu yahay Hebel ama Heblaayo sababtoo ah waxaa is waafaqaya Muuqaalka qofka, Magaca iyo Masawirka intaba, Waana cadeynta cadeyn karta qof, isla markaana sugi karta sax ahaanshaha sheegashada shaqsigaas”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah Aqoonsigooda u guddoonsiiyay qaar ka mid ah Qaxootiga ku nool Soomaaliya kuwaasi oo goob joog ahaa munaasabadda.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).