
“Shaqooyinka ay dowladahaasi nala qabtaan dhamaantood heshiisyo ayaan kula jirnaa, heshiisyadaasna waxaa ku cad qolo walba waxa ay qabaneyso iyo in aan xogta aan hayno la wadaagno, gaar ahaan meesha aan u maleyneyno in nimankaas ku jiraan” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in markii la xaqiijiyo xogtaas, sarkaal Soomalaiyeed uu saxiixo ” Duqeymo dalkan iska dhacaahi ma jiraan”.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duqeeymaha dalka ka dhacay 99% dad rayid ah aanay waxba gaarin sababtan waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay in meel loo maleynayo in qof shacab ah joogo aan la duqeyn, isagoo sheegay in wacyi gelin ay ka sameeyaan deegaanada ay duqeymuhu ka dhacaan.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowr jeer waxa ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Buuraha Calmiskad ee Puntland, halkaas oo ay duqeynta lala beegsaday dagaallamayaasha Daacish ee buurahaasi kula dagaallamaya ciidamada Puntland, Dhowr jeer oo horeyna waxa ay Puntland sheegtay in ay Imaaraadka iska kaashadeen duqeymo cirka ah.
Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay kula mideeysan yihiin doorka dagaal ay Puntland kula dagaalameyso Kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.