
Howlgalkaan ayaa qaatay saacado badan waxaana wali gudaha hotelka Qaahira ka dhex dagaalamaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka qaraxa ku bilaawday ku galay gudaha hotelkaas waabarigii hore ee saakay.
Ciidamada Jabuuti ayaa haatan qorsheynaya sidii ay kusoo gabagabeyn lahayeen howlgalkaan qaatay in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, islamarkaana lagu dilay dad badan oo gaaraya ilaa 6 ruux oo isugu jira Nabadoono, saraakiil iyo dad shacab ah.
Dhismaha Hotelka ayaa haatan u muuqda mid xoogiisa si weyn u burburiyeen qaraxyada iyo rasaasta labada dhinac is weedeersanayeen ilaa waabarigii hore ee saakay.
Xubnaha Al-shabaab ee ka dhex dagaalamaya gudaha hotelka ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa lix ruux oo aad u hubeysan, waxaana wali adag in si rasmi ah loo soo afjaro howlgalkaas, maadama weerarkaan oo waaberigii hore ee saakay bilaawday uu haatan gabalka u dhici rabo.
Waxaa aad u adag in la helo xogo badan oo la xariira weerarkaan, maadama isgaarsiinta magaaladaasi ay tahay mid hawada ka maqan mudo ka badan 5 saacadood, waxaana xusid mudan in weerarkaan uu si weyn u saameeyay guud ahaan dhaqdhaqaaqa isku socod ee gaadiidka iyo dadweynaha xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana xiran dhamaan wadooyinka muhiimka oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkaan.