
Cabdisalaan Guuleed ayaa ka digay in Al-shabaab hadda ay u dhaqmayaan hababkii hore ay u dhaqmi jireen hab kaduwan waxaana ay doonayaan inay kalsooni ka diyaarsadaan Shacabka Soomaaliya, iyagoo tusaya inay gubi waayeen calamadii Soomaaliya iyo midka Hirshabeelle markii ay la wareegayeen degaano kamid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Taliye kuxigeenkii hore Nabad sugida Soomaaliya Cabdisalaan Guulleed ayaa tilmaamay in Kooxdaan ay isku diyaarineyso habka taxriir Al-shabaab ee Syria awooda ula wareegeen iyo sidii Taliban ay ula wareegeen awoodii dalka Afgaanistan, waxa uu ku celceliyay in laga feejignaado dhagarta Kooxdaan oo damacsan in nidaam Dowlad ahaan ay isku diyaariyaan.
Cabdisalaan Guulleed ayaa shaaca ka qaaday inaan laisku qaldin jiritaanka Soomaaliya iyo xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa uu Mr Guuleed uu carabka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay shacabka Soomaaliyeed u sheegto isku haleeynta Dowladda laisku haleen karo marka loo eego digniinaha amaanka ee soo baxaya iyo goobaha ay dagaalada kula wareegayaan Kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeeyn Cabdisalaan Guulleed wuxuu fariin culus u diray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay in degaankii uu kasoo jeeday ee Ceel Baraf ay Al-shabaab la wareegaan ay tahay mid aan sax ahayn ayna dhici karto wixii ka dhacay Kabuul hadii uusan sida uu u fakaraayo wax kabadalin.