
Horjoogaha howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasoo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Baladul amiin ee degmada Afgooye.
Horjooge Maleele ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin si weyn u dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada kala Sabiid iyo Baledul amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjooge Maleele ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel bacad ay ku dileen horjoogahii labaad ee kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu magacaabi jiray Yuusuf dhegnaas.