12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Waxaa jira dalalka shisheeye oo ka naxsan horumarka Soomaaliya ka jira

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Jimco, Maarso 7, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isu diyaariyaan sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku tashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in wiilal Soomaaliyeed ay nafahooda u hureen xoraynta deegaanno badan oo muddo sanado ah ku jiray gacanta kooxda Al-Shabaab.

Madaxweymuhu wuxuu caddeeyay in aanay jirin cid ajnabi ah oo dalka Soomaaliya ka xorayn doonta kooxaha kusoo duulay, isaga oo intaa ku daray in ay jiraan dalal shisheeye oo ka xun  horumarka ay Soomaaliya gaareyso, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan in dalku uu ku sii jiro xaaladdii murugsaneyd ee tobanaan sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay  guulo wax ku ool ah ka gaartay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, balse ay jiraan dad u adeegaya kooxda Shabaab, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib. Wuxuu tilmaamay in ay dalka ka gudbiyaan warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga qaranka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).