
Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in duullimaadyadaas la joojiyey laga billaabo 6da Maarso ilaa 12 Maarso, dadkii maanta ku qornaa diyaarada Turkish Airlines ayaa lala wadaagay fariin ku saabsan inaysan diyaarada imaaneynin.
Inkastoo uusan war rasmi ah ka soo bixin sababta ay duullimaadyada u joojisay Turkish Airlines, haddana hay’adaha ka shaqeeya dhoofka ee jara tikidhada Turkish Airline ayaa loo sheegay shirkaddu hakisay duullimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale ilo kamid ah howlwadeenada Garoonka Aadan Cade ayaa u sheegay VOA da inaysan jirin maalinta berito ah wax duulimaad oo ay diyaaradaha Qatar Airlines ay kusoo sameeyn doonto magaalada Muqdisho.
Labadaan Diyaaradood ayaa si maalinle ah waxa ay u imaan jireen magaalada Muqdisho, tallaabadaan ay duulimaadyadoodi ku hakiyeen ayaa timid saacado uun kadib markii Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ay soo saartay digniin ku saabsan in weeraro argagexiso ay kusoo wajahan yihiin garoonka Aadan Cade iyo xarumo kale oo muhiim ah.