
Iyada oo laga jawaabayo khatartan, Safaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa dhammaan shaqaalaheeda ka joojisay dhaqdhaqaaqyada safaaradda ilaa amar dambe. Sidoo kale, muwaadiniinta Maraykanka ayaa laga joojiyay inay u safraan magaalada Muqdisho.
Safaaradda ayaa sheegtay in kooxaha argagixisadu ay ku howlan yihiin abaabulka qaraxyo iyo weeraro. Waxayna sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli ah mid qasan.
Digniintan kaddib laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa la galiyay feejignaan dheeri ah, iyadoo aad loo adkeeyay amniga goobaha ay digniintu ku wajahan tahay. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, xilli ay dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ay ku dagaalamayaan gobolka Shabeellada dhexe.