15 C
London
Monday, October 13, 2025

Hindise sharciyeedka Daawada oo maanta la horgeeyay Golaha Shacabka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Maarso 3, 2025 (HOL) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta hor geeysay xildhibaanada Golaha Shacabka hindise sharciyeedka Daawada oo ay mudanayaasha marsiiyeen akhrinta 1aad, waxaana uu ugudbi doonaa ilaa laba akhris oo kale si sharci uu u noqdo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dooda arintaan la xiriirta xasaanadda Xildhibaanada oo soo bilaabatay kulankii kan ka horeeyay maanta la soo gaba gabeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada hindise sharciyeedkan uu ka koobanyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay waxaana uu ka dalbaday in mudanayaasha ay si mug leh ay usoo akhriyaan si sharci looga dhigo.

Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha Shacabka ka codsaday in Hindise sharciyeedka ay meel mariyaan maadaama uu muhiim u yahay xakamaynta iyo tayaynta daawada dalka taasoo qeyb ka ah horumarinta Caafimaadka dalkeena.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana Golaha dib ugu soo celiyo si looga doodo.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).