15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

In ka badan 40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay duqeymo culus oo ka dhacay Biyo Cadde

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Maarso 2, 2025 (HOL) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa duqeymo culus oo lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ilaa 44 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab.

Howlgalada duqeynta ah ayaa la tilmaamay iney dhaceen Xalay iyo Saakay, islamarkaana marar kala duwan lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda oo baxsad ahaa.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka oo ay wateen xubnaha Al-shabaab ee duqeymaha culus lala eegtay.

Duqeyntaan lagu khaarajiyay xubnaha isugu jira horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo duqeymo noocaan oo kale ah oo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM ka fuliyeen deegaano hoostaga magaalada Ceelbaraf, waxaana duqeymahaasi lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo qaraxyo kooxdu u diyaarineysay iney ku fuliso weeraro.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).