15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Booliska Soomaaliya oo xiray Weriye Cali Aadan Muumin

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Maarso 2, 2025 (HOL) – Bayaan ay soo saareen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in taliska ciidanka ee Degmada Xamarweyne soo xireen weriye Cali Aadam Muumin oo ay sheegeen inuu ku eedeysan yahay Qal Qal galinta amaanka iyo aflagaado uu u geeystay madaxda dalka.

Booliska ayaa warka ay soo saareen ku sheegay inay Weriyaha horgeyn doonaan Maxkamadda awooda u leh inay qaado dacwadda lagu soo eedeeyay ee ah inuu ka shaqeenayayay waxyaabo qalqal galinaya amaanka iyo dhalaceeyn iyo aflaagaddo toos ah uu bartiisa Facebook u marsiiyay madaxda dalka.

Warka Booliska ayaa u qornaa “Taariikh markii ay ahayd 01/03/2025, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan Qal Qal galin Amni iyo aflagaado madaxeed, Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh”.

Booliska ayaa ujeediyay shacabka Soomaaliyeed inayaan ka qeyb noqonin waxyaabo qalqal gelinayaa amaanka caasimadda “Muwaadiinta Soomaaliyeed Waxaa la faray in aysan qeyb ka noqonin Qal Qal galinta Amniga iyo faafinta wararka  been abuurka ah.” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Booliska.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareyay falka xariga ah ee weriyaha lagula dhaqaaqay iyago dalbaday in xorriyadiisa uu dib u helo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).