13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Dagaal culus oo haatan ka socda deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Maarso 1, 2025 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in  deegaanka Biyo cadde oo ka tirsan gobolkaas uu haatan ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qadeen fariisimo ciidanka dowladda ku lee yihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsan hayaan hubka noocyadiisa, waxaana meelo ka fog fog deegaanka laga maqlaya dhawaaqa hubka culus oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha deegaanka Biyo Cadde, maadama uu wali dagaalka uu yahay mid ka socda gudaha deegaankaas.

Dagaalkaan ayaa ah mid daba socda dagaalo qaraar oo maalmahii lasoo dhaafay ku dhexmaraayay qaar ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kooxda
Al-shabaab.

Lasoco wixii kusoo kordha warkan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).