
Cali Balcad Waxa uu sheegay in wadahadalada kaliya ay yihiin in ganacsi ahaan Itoobiya loo ogolaaday in ay Dekadaha Somaaliya wax kala soo degto iyadoo Maalgashi lagu sameynayo Dekedaha Soomaaliya iyo Wadooyinka isku xira labada Dal.
Wasiiru Dowlaha waxa uu meesha ka saaray rabitaanka Itoobiya ee ah inay marin biyood ay iyadu maamusho oo ay Dowladda Kormeerto hesho.
Muranka ugu weyn ee rabitaanka Itoobiya ee biyaha Soomaaliya waxa uu ka dhashay heshiiskii Somaliland ay ka galeen waxaana ku xusnaa in marin biyood iyo saldhig military ay helaan taa oo ay qaadacday dowladda Soomaaliya balse markii dambe uu dhex dhexaadiyay Turkida inay Dowladda ogolaatay on Itoobiya la siiyo marin biyood balse aan ku jirin saldhig military.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa kusoo beegmaya saacado uun kadib socdaalki uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku yimid Muqdisho.