13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Daacish oo lumisay farriisimihii ugu muhiimsanaa oo ay kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, February 24, 2025 (HOL) – Kooxda Daacish ayaa isaga baxday fariisimihii muhiimka ahaa ee ay kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kadib duqeymo culus oo Maraykanku maalmihii lasoo dhaafay halkaas ka fuliyay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Daacish ay isku urursatay deegaannada Miiraale iyo Dhaasaan, oo loo maleynayo inay xarun u yihiin horjoogayaashooda. Shalay ayay kooxda lumisay gacan ku haynta Gaadir-Oodan iyo Curaar, oo ah dhul istiraatiiji ah oo ay la wareegeen ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegay in goobtan uu horey fariisin uga dhigan jiray horjoogaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin, kaasoo horey bartilmaameed ugu noqday duqeymo uu Maraykanku fuliyay.

Khuburo dhanka amniga ah ayaa u sheegay HOL in Daacish aysan haatan awood u lahayn inay si toos ah ula dagaallanto ciidamada Puntland, maaddaama dagaalladii ugu dambeeyay looga dilay dagaalyahanno badan oo ajaanib ah iyo horjoogayaal muhiim ah.

Waxay sidoo kale tilmaameen in kooxda ay la daalaa-dhaceyso gabaabsiga sahaydii iyo saadka ciidan, iyadoo lumisay dhul badan oo istiraatiiji ah. Duqeymaha isdaba-joogga ah ayaa sidoo kale si weyn u wiiqay awooddii Daacish, gaar ahaan xarumahoodii keydka hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Daacish la soo afjari doono inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyagoo xusay in ciidamadoodu haatan ay gaareen dhul aad muhiim u ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).