
Degaanka ayaa waxaa laga ilaaliyaa Degmada Aadan Yabaal oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ku bilowday Qaraxyo aad u xoogan waxaana xigay rasaas toos ah iyo dagaal fool ka fool ah.
Inkastoo wali aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala soo gaaray haddana saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa ciidamada Degaanka ayaa iska caabiyay weerarka ay Al shabaab soo qaadeen.
Al shabaab ayaa xooga soo saartay degaankaan si ay u gaarto Aadan Yabaal oo kamid ahayd saldhigyadii Kooxdaasi laga saaray markii uu bilowday Howlgalka ciribtirka Kooxdaasi oo uu Madaxweynaha Soomaaliya markii dib loo doortay ku dhawaaqay.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleeyda ayaa ku guuleeystay xoreynta dhul balaaran oo Al shabaab ay muddo sanada ah ay ka maamulayeen bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.