10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Soomaaliya oo Turkiga kala hadashay horumarinta iyo dib u dhiska Dekadaha dalka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, February 19, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Amb: Alper AktaÅŸ.

Kulanka labada masuul dhexmaray ayaa looga arinsaday sidii dib u dhis iyo horumarin loogu sameyn lahaa dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburkii ka dhashay dagaalada iyo xaaladaha adag ee uu  soo maray dalka.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Amb; Alper AktaÅŸ ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay ka taageerto sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta Dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka Dekedaha.

“Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa sidoo kale la isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Turkiga iyo balanqaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha Soomaaliya oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).