
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in hadii ay jirto tallooyinka iyo waano ay siyaasiyiinta u hayaan Madaxda Dowladda ay si hoose ugu sheegan halka ay indhaha shacabka hor imaan lahaayeen, waxa uu Madaxweynaha ku faanay in Soomaaliya ay hadda looga yeerayo goobo fagaare ah oo ay ka maqneed muddo badan sida fadhiga Golaha amaanka QM.
Jawaabaha Madaxweynaha ee uu siinayay Mucaaradka ayaa ahaa kuwa maldahan waxaana uu yiri “Siyaasiinta leh balaayo ayaa soo socoto Al-baab naar ah ayaa furmaya kuwaas maskaxiyan ayey u xanuunsan yihiin ee hala daaweeyo”.
“Dhibka Soomaaliyeed ee ka jira waa siyaasiyiinta, Siyaasiyiinta waxaan leeyahay waxaa jira wax badan oo fiican oo dadka Soomaaliyeed loo sheego ayaa jira u sheega, ama whadda ay u qabsoomeen u muujiya ama berito ay qabsn karaan u tilmaama” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweynaha xarig jarka Hosbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.