Caruurtaan oo ka yar da’da qaangaarnimada ayay Al shabaab rabtey ineey tababar ku geliyaan deegaanka Buush-madiino ee gobolka Baay sida ay sheegeen Caruurtaasi oo la hadlay warbaahinta Koonfur Galbeed.
4taan Caruur ayaa sheegay in dhammaantooda laga qabtay iyagoo kusii jeeda Goobahoodi waxbarasho kadibna loo kaxeeyay meel duur ah oo ay kusugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab.
Mid kamid ah Caruurtaan ayaa sheegay in laga qafaashay degaanka Rabdhuure kadibna Al shabaab ay geeyeen degaanka Buush Madiino si loo askareeyo kadibna lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Kuwa kale ee Caruurtaan ayaa tilmaamay in maalmo ay joogeen Buuh Madiino ay cagahoodi kusoo baxsadeen oo laba maalmood ay duurka kusoo jireen si ay usoo gaaraan degaanada ay ka arimiso Koonfur Galbeed, waxaana Maamulka Madaxweyne Laftagareen ay ka dalbadeen in la cafiyo ayna dib ula midoobaan qoysaskoodi.