
War saxaafadeedka ayaa inta badan waxaa eedeyn kulul loogu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida in Madaxweynuhu si bareer ah ugu tuntay mas’uuliyaddii ka saarnayd dastuurka, uuna jabiyay qodobka laad, faqradiisa 3aad ee Dastuurka KMG ah, In Madaxweynuhu ku fashilmay ilaalinta, isku haynta iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, sida ku cad qodobka 3aad, faqradiisa 3aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS.
Sidoo kale waxa ay War saxaafadeedka Shirka laga soo saaray ay ku sheegeen in Madaxweynaha uu caadeystay mijo-xaabinta kala soocnaanta awoodaha dowladda, taasoo wiiqaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dastuuriga ah, sida ku cad qodobka 3aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS sidoo kale in Lacago sharci darro ah si joogta ah loogu soo rogo ganacsatada Gobolka Banaadir, taasoo sababtay in uu xirmo suuqii Bakaaraha.
Shirkaan ayaa baaq loogu diray Shacabka Soomaaliyeed sidii ay u garab istaagi lahaayeen Laamaha amaanka ee dagaalka kula jira Kooxda Al shabaab iyo Daacish, waxaana ay ka digeen in hal dhinac Doorasho hadii ay dhacdo ay cid waliba Doorasho iskeed ah ay qabsan doonto.
Ugu dambeeyn waxa uu warsaaxafadeedka uu ugu baaqay Mucaaradka inay soo diyaariyaan hanaan Doorasho oo la isla ogol yahay kana soo horjeeda nidaamka Doorasho oo ay Dowladda ku dooneyso inay Soomaaliya uga qabato Doorasho Qof iyo Cod ah.
HALKAAN HOOSE KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA SHIRKA KA SOO BAXAY OO DHAMEYSTIRAN:-


