
Weerarkaas ayay Puntland ku weyday ku dhawaad 30 askari, kaddib markii kooxda Daacish ay xilli habeenimo oo saq dhexe ah weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay kusoo qaadday farriisinka ciidanka Puntland ee Togga Jeceel ee Calmiskaad.
“Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarka argagixisada Daacish ee ka dhacay Puntland,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Mareykanku wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qaraabada askartii Puntland ee ku naf waayey weerarkaas.
Maraykanka ayaa dhawaan buuraha Calmiskaad ku dilay 14 ka mid ah saraakiisha Daacish , islamarkaana wuxuu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.