10.9 C
London
Saturday, October 11, 2025

Shabakaddii Daacish ee Telegram-ka ku faafin jirtay wararka kooxda oo hawada laga saaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, February 15, 2025 (HOL) – Shirkadda Telegram ayaa hawada ka saartay bartii lagu magacaabi jiray Iclaam, oo kooxda Daacish ku lahayd barteeda. Boggan ayaa loo adeegsan jiray faafinta dacaayadaha kooxda Daacish, oo ay ku jiraan warbixinno la xiriira dagaallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo adeegsiga baraha bulshada ee kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo marar badan adeegsan jiray Telegram si ay ugu faafiyaan fariimahooda iyo warbixinahooda dagaallada.

Lama oga in sababta hawada looga saaray inay ku lug leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey hawada uga saartay boqolaal kamid ah shabakadaha internetka ee kooxda Alshabaab.

Dhinaca kale, kooxda Daacish ayaa haatan hawada soo galisa warbaahin lagu magacaabo “Taageere Radio Hijratayn” oo Facebook lasoo dhex marsiiyo.

Warbaahintaan ayaa si joogto ah u faafisa dacaayadaha dagaallada ay Puntland kula jiraan kooxda Daacish. Maamulka Puntland ayaa horey ugu goodiyay in tallaabo laga qaadi doono cid kaste oo taageero u muujisa kooxda Daacish.

Waxay Puntland xukunno sanado ah horey ugu ridday labo dhallinyaro oo qurbe joog ah oo lagu eedeeyay inay taageero u muujiyaan Daacish.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).