
“Baadhitaankayaga, waxaan ogaanay in halkii kiilo jaad ah uu Muqdisho ku iibsamo ilaa Sh5,700, halka beeraleydu ay helaan kaliya Sh300. Waxaan kaliya weydiisanaynaa dhoofiyayaasha in ay beeraleyda u qoondeeyaan Sh1,000 oo dheeri ah. Waa wax lala yaabo in kharashka gaadiidka lagu geeyo Muqdisho uu ka badan yahay Sh3,000 halkii kiilo,” ayuu yiri guddoomiyaha beeralayda Qaadka dalka Kenya Mr. Karuiru.
Wuxuu intaa ku daray in beeraleyda iyo ganacsatada jaadka ee deegaanka ay isla garteen in ay sii wadaan joojinta dhoofinta qaadka ilaa laga fulinayo dalabkooda.
“Waxaan diyaar u nahay in aan u dulqaadanno dhibaatooyinka dhaqaale si aan u helno qiime caddaalad ah,” ayuu adkeeyay.
Guddiga Qiimeynta Jaadka ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA) ayaa aqoonsaday cabashooyinka beeraleyda iyo ganacsatada. Guddoomiyaha guddiga, Mr. James Mithika, ayaa xaqiijiyay in ay la kulmeen dhinacyada ay quseyso, isla markaana ay soo jeediyeen hannaan cusub oo qiimeyn ah.