14.6 C
London
Friday, October 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbitaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa Macawiisleyda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, February 9, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku booqday qaar kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa Macawisleeyda kuwaasi oo dhowaan kusoo dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada Ciidamada oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in Dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna, Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxa uu kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo Warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeeyn waxaa uu Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Maamulka Isbitaalka ay usoo soo bandhigeen qorshaha horumarinta adeegyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).