15 C
London
Friday, October 10, 2025

Ciidamo Boolis ah oo la wareegay Guriga Hooyooyinka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, February 9, 2025 (HOL) – Ciidamo aad u badan oo Booliiska Soomaaliya ka tirsan ayaa la wareegay gacan ku haynta Guriga Hooyooyinka kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka biya diidanaayeen Ururka Haweenka Qaranka inay ka guuraan si ay ugu shaqeeyso Wasaaradda Qoyska ee Soomaaliya.

Ciidamadaan oo Salaadda Subax kaddib la wareegay Amniga Guriga Hooyooyinka ayaa xiray xubno ka mid ah Ururka Haweenka kuwaas oo Gaadiidka Shabaqa loo yaqaano ee Maxaabiista lagu qaado lagu guray, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in laba kamid ah kuxigeenadii Gudoomiyaha Ururka Haweenka ay ku jiraan dadka xabsiga loo taxaabay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa horay u yiri “waa in la banneeyaa Guriga Hooyooyinka Mana kusii jiri karaan Ururka Haweenka Qaranka ee dhismaha Hooyooyinka, Wasaaradda Haweenka ayaa ku shaqaysanaysa Daartaas” taa oo ay ka biya diideeen Ururka Haweenka hadalkaas kasoo yeeray Ra’iisul wasaaraha.

Hayeeshee dhowr jeer ayay bannaan bax ka sameeyeen Afaafka hore ee Hooyooyinka iyo guud ahaan xarunta Hooyooyinka iyagoo eedeeyn kulul u jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse ayna sheegeen in Guriga Hooyooyinka laga iibinayo rag ganacsato ah ayna is hortaagi doonaan awood walba oo isku dayda inay dhismahaasi ka saarto.

Markii ugu dambeeysay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Gabale ayaa sheegtay inay gal dacwadeed ka furtay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la xiriiray eedeeynta ay ujeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale inuu jiro qorshe lagu iibinaayo Gurigaasi.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).