14.7 C
London
Friday, October 10, 2025

Puntland oo xaqiijisay in dagaalkii ugu dambeeyay ee Daacish ay ku weyday 27 askari oo ay ku jiraan 5 sarkaal

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, February 7, 2025 (HOL) – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay inay ku waayeen 27 askari, oo ay ku jiraan 5 sarkaal, dagaalkii ugu dambeeyay ee ay ciidamada Puntland la galaan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale, 76 askari oo uu ku jiro taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland, Sarreeye Guuto Cadiweli Jaamac Ilig, ayaa ku dhaawacmay dagaalkaas sida uu sheegay afhayeenka howlgalka ka dhanka ah Daacish, General Maxamuud Faadhigo.

Afhayeenka ciidamada ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada Puntland ay dileen 115 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish. Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin wax maxaabiis ah oo nolol lagu qabtay oo katirsan dagaalamayaasha kooxda Daacish.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen inay fashiliyaan miinooyin iyo diyaarado qaraxyo lagusoo xiray oo lagu soo weeraray furimaha ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, 48-kii saac ee lasoo dhaafay ma jirin wax dagaallo ah oo ka dhacay buuraha Calmiska. Ciidamada Puntland ayaa weli ku sugan goobihii lagu dagaalamay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).