13.8 C
London
Friday, October 10, 2025

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galaya shirka loogu gogol xaarayo Shir madaxeedka ka dhacaya dalka Tanzania

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, February 7, 2025 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalim Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalaya kulan heer wasiir arrimo dibadeed ah oo loogu gogol-xaarayo Shir madaxeedka wadaagga ah ee ay iskugu imaanayaan Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika iyo Urur goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika oo la qorsheeyay inuu ku qabsoomo magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Shirkaan ayaa la filayaa inuu socon doono muddo labo cisho ah inta u dhaxeeysa 07-08 Febraayo.

Shirkan ayaa ujeedadiisu daaran tahay in la soo saaro talooyin, go’aanno iyo war-murtiyeed qabyo ah oo madaxda dowladuhu falanqayn doonaan inta aan la faafin, iyadoo diiradda lagu saarayo daminta xiisadda, joojinta colaadda, iyo xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa la filayaa in inta shirku socdo uu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedyada EAC iyo SADC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxda wadamada Kenya, Uganda, Rwanda, Congo iyo Koofur Africa ayaa shirkaan ka qeyb galaya waxaana ay ka doodi doonaan xal waara laga gaaro dhibaatada Dalka Congo ka taagan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).