
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxdu ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo goordhaw warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ayaa sheegay in dagaalka saakay lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.
“Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan waxaa ka dilnay sadax Horjooge iyo maleeshiyaad badan waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo Argagixisada ka mid ah waa jabeen waxaana hada firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.
Dagaalkaan saakay ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa ah mid daba socda dagaalo xoogana oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera yabaal iyo Jiciboow oo ku kala yaala Laamiga iyo jiinka Wabiga Shabeelle oo ay kooxda Al-shabaab si dhuumaaleysi ah kaga soo gudbaan.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkaan.