13.8 C
London
Friday, October 10, 2025

Madaxweyne Xasan Sheikh oo faray xukuumadda in la dadajiyo taageeerada Puntland ee dagaalka Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, February 6, 2025 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa adkeeyey baaqa Golaha Xukuumadda ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu bogaadiyey guulaha ay gaareen ciidanka iyo shacabka Puntland. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xusay sida ay lama huraan u tahay sii xoojinta howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Daacish.

Madaxweynuhu wuxuu Xukuumadda faray dadajinta taageerada xoreynta deegaannada ay Daacish kaga sugan tahay buuraleyda Bari. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo mideysan ay ka guulaysan doonaan kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay ka xoreyn doonaan dhammaan dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada caalamiga ah, iyada oo la xoojinayo awoodda ciidanka, lana horumarinayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada dhaawacmay intii ay ku jireen hawlgallada xoreynta deegaannada.

Si kastaba ha ahaatee, weli dowladda Federaalka Soomaaliya wax taageero ah kama geysan dagaalka ka socda Calmiskaad ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay Puntland soo dhoweynayso cid kaste oo ku garab siinaysa dagaalka Daacish.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).