14.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Barlamaanka Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, February 5, 2025 (HOL) – Golaha guud ee baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Ordugan ee ah in muddo sanad ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay wargeysyada maxaliga ah, sida uu turjumay New Turkey Post, Golaha loo dhan yahay ayaa ka shiray qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka cadmeed, badda Soomaaliya iyo badda Carabta muddo sanad ah.

Qoraalka madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in askarta Turkiga ay u adeegaan qaab dhismeedka Qaramada Midoobay iyo NATO.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay doorka Turkiga ee sugida amniga maraakiibta xiriirka la leh Turkiga ee gobolka iyo la dagaalanka burcada hubaysan iyo argagixisada badaha.

Kadib khudbadihii wakiilada xisbiyada siyaasada ee golaha loo dhanyahay ayaa cod loo qaaday soo jeedinta madaxweynaha ugu dambeeyna lagu ogolaaday in muddo sanad ah loo kordhiyo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).