14.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Faahfaahin ku saabsan khasaaaha ka dhashay dagaalka ciidamada Puntland iyo Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 4, 2025 (HOL) – Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana la tilmaamayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa ee labada dhinac ku dhexmaray gobolka Bari.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo amni ah ayaa sheegaya in  15 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ay ku geeriyoodeen, halka 51 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkan, soo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dharin ee Togajaceel ee buuraha Calmiskaad.

Dhinaca kale, Puntland ayaa sheegtay inay dagaalka ku dishay 42 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale soo bandhigtay meydadka 10 kamid ah dagaalamayaal Daacish oo ajnebi ah oo lagu dilay dagaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu la wareegeen dhammaan deegaannadii ay horay ugu sugnaayeen kooxda Daacish.

Sidoo kale, Puntland waxay xustay in dagaalka uu dhankooda ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawaca leh.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).