
Ninka odayga ahaa ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Guudlaawe Cumar Guuleed, kaasoo ahaa oday si weyn looga yaqiinay deegaanka Xalfooleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Allah u naxariistee ninkaan odayga ahaa ayaa loo dilay arrimo la xariira aargoosi aano qabiil, waxaana lasoo wariyay in dilkiisa ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dilka ninkaan 102 sano jirka ahaa ayaa ah mid si weyn ay uga argagaxeen dadka ku dhaqan deegaanka Xalfooleey iyo deegaanada kale ee ku teedsan ee dhaca Koonfurta gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii dilka marxuum Guudlaawe Cumar Guuleed ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe colaad beeleed xoogan ay u dhaxeysay beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo isku haysta murun la xariira la haanshiyaha dhul daaqsimeed ku yaala deegaano dhaca xadka ay wadaagaan labadaasi gobol.