15.3 C
London
Thursday, October 9, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin u diray Shirkaddaha Boorarka ku xayeeysiista tabeelooyinka wadooyinka Caasimadda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 4, 2025 (HOL) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay la xisaabtanka Shirkadaha Ganacsi ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, kuwaas oo boorar xayeeysiin ku dhegsaday tabeelayaasha kuyaala waddooyinka Caasimadda, iyaga oo aan bixin Canshuurta Billaha ah ee uu Maamulka Gobolka ka qaado Ganacsatada.

Agaasimaha Canshuuraha Gobolka Banaadir Marwo Sowda Suudi oo kormeer ku tagtay Degmooyinka Kaaraan iyo Waaberi ayaa digniin u dirtay dadka sida sharci darrada ah boorarka ugu dhagsada waddooyinka Magaalada Muqdisho.

“Waxaan bilaawnay la xisaabtan kuwa aan Canshuurta bixinin ee boorka ugu dhagan yahay tabeelaayaasha ku yaala Wadooyinka Caasimadda, fariinteenu waa ay cadahay ma ogolaan karno in ganacsade aan Canshuurta bixin uu Boorkiisa kusii dhaganaado tabeelle caasimadda ku yaala”.

Waxa ay sheegtay inay jiraan Shirkado Ganacsi oo boorar iyo Tabeelooyin surtay waddooyinka Muqdisho, iyaga oo aan bixin Canshuurtii ku waajibtay, waxaana ay ka dalbatay inay boorarkooda soo diiwaangeliyaan si looga warqabo.

Warkaan kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli waddooyinka waaweyn ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen boorarka iyo tabeelooyinka Xayeeysiinta Goobaha Ganacsi ah, kuwaasi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu Canshuur uu ka rabo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).