15.3 C
London
Thursday, October 9, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb gali doona Shir madaxeed ka dhici doona Tanzania oo Arrimaha Colaada Congo looga hadlayo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 4, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka aan caadiga ahayn oo madax badan oo Afrikaan ah ay iskugu tagi doonaan dalka Tanzania gaar ahaan magaalada Daru Salaam halkaas oo ay uga doodi doonaan colaada ka taagan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa xaqiijiyay ka qeyb galka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Shirkaasi, waxaana uu barta uu ku leeyahay X uu ku sheegay in madax ka socota Koofurta iyo  bartamaha kaga arinsanayaan arrimaha Congo.

William Ruto ayaa qoraalkiisa ku yiri “Nabadda iyo amnigu waa shay muhiim u ah ganacsiga iyo maalgashiga deegaankeena, Waxaan ku faraxsanahay in Hoggaanka Bulshada Horumarinta Koonfurta Afrika iyo Bulshada Bariga Afrika ay isku raaceen in ay si wada jir ah uga doodaan colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo”.

Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynayaasha Tanzania Samia Suluhu, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Felix Tshisekedi, midka Rwanda Paul Kagame, Cyril Ramaphosa Madaxweynaha Koonfur Afrika, Madaxweynaha Uganda Kaguta Museveni iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay xaqiijiyeen ka qaybgalka shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dar es Salaam.

Colaada Congo waxa ay u dhaxeeysa Fallaagada M23 iyo Ciidamada Congo, hadda Fallaagada waxay sheegtay in xababad joojinta maanta oo Talaada ah bilaabanayso ay ku dhawaaqayaan, saacado yar kaddib marki ay Qaramada Midoobay shaacisay in dagaalka todobaadkii hore ee Congo lagu dilay ugu yaraan 900 oo qof.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).