9.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Jubaland oo sheegtay in howlgalka qorsheeysan ay ku dishay Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, February 3, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ay u daateen guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen Seddex kamid ah dagaalamayaal Al shabaab ah gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida ay ku warantay warbaahinta Jubaland.

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in ciidamadaan ay hayeen xogta dagaalamayaashani, laba kamid ah ayay sheegeen saraakiisha inay howlgalka ku dileen mid kalana ay gacanta kusoo dhigeen.

Saraakiisha Jubaland ayaa laga soo xigtay inay ragaani qorsheenayeen in ay magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland ka fuliyaan dilal qorsheysan, iyo khaarijinta xubno muhiim ah.

Magaalada Kismaayo sidoo kale xalay waxaa ka dhacay howlgal ay ciidamada Booliska ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladani ay qayb ka yihiin qorshaha joogtada ah ee Ciidanka Booliska Jubbaland ay ku xaqiijinayaan Amniga Magaalada Kismaayo iyo Agagaarkeeda, waxaana ay saraakiisha ku micneeyeem howlgalada noocani oo kale ah in looga hortagayo falalka Amni-darro iyo dhibaatooyinka kale oo ka dhici kara Magaalada.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).