
War qoraal ah oo ay Xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay iney rajeyneyso in laga guuleysto kooxdaha Daacish iyo Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
“Haa, waa sida ay tahay inaan sameyno. Waa rajadeyda daacadda ah in ISIS iyo Alshabab laga guuleysan doono dadka Soomaaliyana ay arki doonaan dhammaadka argagixisada” ayay ku tiri qoraalkeeda Xildhibaan Ilhaan Cumar.
Hadalka Xildhibaanadda ayaa kusoo aadaya, iyadoo madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu shaaciyay inuu bixiyay amarka duqeyn dhanka cirka aheyd oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsana Daacishta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Afhayeenka ciidamada Puntland ee howlgalka ka dhanka ah Daacish Jenaraal Maxamuud Maxamed Axmed Faadhigo ayaa goordhaw oo maanta ah shaaciyay in duqeymaha diyaaradaha Mareykanka la eegtay Daacish lagu dilay ilaa 46 xubnood oo ka tirsana kooxda Daacish.