Gen. Faadhigo ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay 46 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, xogtana lagu xaqiijiyay warbixinno ay heleen dowladda Maraykanka iyo sirdoonka Puntland.
Afhayeenku wuxuu xusay in duqeymuhu ay burburiyeen godad ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish. Inkastoo uusan sheegin saraakiil caan ah oo lagu dilay, haddana wuxuu sheegay in la shaacin doono magacyada xubnaha lagu qaarijiyay weerarka markii xogta si dhameystiran loo helo.
Sidoo kale, Gen. Faadhigo wuxuu tilmaamay in ciidamada Puntland lagu amray in goobaha la duqeeyay ay tegi karaan 24 saac gudahood, balse ay jirto cabsi ku aaddan waxyeello ay kala kulmi karaan haraadiga kiimikada ka dhalatay duqeymaha.
Mar uu ka hadlayay dowladda Federaalka, wuxuu caddeeyay in aysan wax shaqo ah ku lahayn howlgallada ka socda Puntland, gaar ahaan duqeymadii ka dhacay Calmiskaad. Wuxuu xusay in muddo saddex bilood ah ay dowladda Federaalka ka aamusanayd dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish.